SoDMA oo Adkaysay Diyaar-garowga El Niño iyo Fatahaadaha

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), isagoo xoogga saaray muhiimadda diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha.

Guddoomiyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aannada la xiriira diyaar-garowga iyo ka-hortagga musiibooyinka lagu saleeyo xogta saadaasha, xaaladda webiyada Jubba iyo Shabeelle, goobaha ay ku nool yihiin bulshooyinka nugul iyo casharradii laga bartay fatahaadihii hore, gaar ahaan El Niño-kii 1997–1998 iyo 2003.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, si loo xoojiyo taageerada loona gaarsiiyo meelaha ay khatartu ugu badan tahay.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha daad-gureynta, hoyga, caafimaadka, ilaalinta iyo taageerada dhaqaale, iyadoo mudnaanta la siinayo bulshada ugu nugul ee halista ugu badan ugu jira saameynta fatahaadaha iyo musiibooyinka la xiriira El Niño.