Madaxda DF oo looga digay gacan ka hadal ka dhasha khilaafka taagan

4

Warbxin cusub oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee xasarada caalamka ee magaceeda loo soo gaabsho ICG  oo ay ciwaan uga dhigtay madaxda Soomaalidu markale ayay dab ku ciyaarayaan ayay kaga hadashay saameynta ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya m/weynaha iyo r/wasaaraha Soomaaliya.

Warbixintaan oo si guud looga hadlay sida uu khilaafkaan u saameeyay siyaasaddadalka ayaa lagu sheegay inuu circa isku siii shareeraro beesha caalamkuna ay aad isha ugu hayso sida ay wax u socdaan.

Warbixintaan lagu daabacay hay’adda ICG ayaa lagu sheegay in khilaafku uu soo shaac baxay kadib markii ay r/wasaaraha u dacwadoodeen ehelada gabar ka tirsaneyd sirdoonka Soomaaliya oo la waayay markii dambena la sheegay in Al-Shabab dileen Shababna uu beeniyay.

Hay’addu waxay sheegtay inay ogaatay in gabadha la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax ay haysay galka askarta NISA loo tababaro gaar ahaan kuwa loo qaaday dalka Eritrea oo ay waalidoon ka walwalsan yihiin.

Si guud warbixinta waxaa loogu lafo guray heerarka ay martay arrinta khilaafka iyo R/waraaqaha isku jawaabka ah ee ay m/weynuhu iyo r/wasaaruhu is dhaafsadeen kuwaasoo hay’addu ku sheegtay in m/weynuhu aad ugu difaacay Fahad Yaasiin oo madax u ahaa hay’addana nabad sugida Soomaaliya.

ICG waxay warbiinteedaan cusub ku sheegtay in saaxiibadda Soomaaliya ee caalamka ay u arkaan in khilaafkaan uu caqabad hor leh ku noqon karo qorshaha doorashooyinka dalka taasoo ugu dambeyn dhakin karta in qas wadayaal loo aqoonsado cidda loo arko inay doorashada carqaladaynayso.

Hay’addaan waxay sidoo kale ka digaysaa inuu gacan ka hadal dhaliyo khilaafkaan.

In haddii uu r/wasaare Rooble ku baxo khilaafkaan uu bur burayo qorshaha doorashada dalka ayaaa sidoo kale lagu xusay warbixintaan oo aad u dheer waana in m/weyne Farmaajo iyo saaxibadiis ay ka fogaadaan inay isku dayaan inay meesha ka saaraan r/wasaare Rooble ayaana lagu sii yiri warbxinta.

Hay’adda xasaradaha caalamka ee ICG waxay sidoo kale ku talisay in labada dhinacay qaadaataan wax kasta oo la iskugu dhawaan kar.

Dadka haysta baasabooradda ajanabiga ah ee loo arko inay khilaafka hurinayaan ayay sidoo kale soo jeedisay in la cunqabateeyo oo dhaqaalahooda la xanibo.