Somaliland oo rajaynaysa iskaashi dhinaca amniga ah oo ay Israa’iil la yeelato ka hor dhammaadka sannadkan

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inuu rajaynayo in iskaashi dhinaca amniga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu bilaabmo ka hor dhammaadka sannadkan.

Cirro ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu soo gabagabeeyay booqasho laba toddobaad ah oo uu ku tagay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, isaga oo la hadlay saxafiyiin ay ka mid ahaayeen wariyeyaal ka tirsan warbaahinta JNS.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee Somaliland ay tahay wax ka qabashada biyaha, isaga oo xusay in Israa’iil ay tababar siisay 50 injineer oo Somalilander ah, kuwaas oo la filayo inay ka qayb qaataan mashaariic ay ka mid tahay sifaynta biyaha badda Berbera.

“Waxaan rajaynaynaa in ka hor dhammaadka sannadka ay bilaabaan iskaashiga dhinaca amniga,” ayuu Cirro ku sheegay hadalka uu siiyay wariyeyaasha JNS.

Warbixinta JNS ayaa sheegtay in iskaashiga amni ee Somaliland iyo Israa’iil uu iman karo xilli Somaliland ay sidoo kale Maraykanka u bandhigtay iskaashi dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, amniga badda iyo ilaalinta maraakiibta mara biyaha gobolka.

Cirro ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan maamulka Maraykanka iyo Waaxda Dagaalka ay u sheegeen in Washington ay doonayso in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu sii kobco. Arrintan ayaa warbixintu ku xidhiidhisay goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan u dhowaanshaheeda Yemen iyo marin-biyoodka Bab al-Mandeb.

Intii uu Washington joogay, Cirro waxa kale oo uu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan bulshada Yuhuudda ee Maraykanka, isaga oo sheegay inuu rajaynayo in xidhiidhadaasi horseedi karaan maalgashi Yuhuudda ama Israa’iil ka yimaadda oo Somaliland lagu sameeyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta dagaallada gobolka ku yeesheen dhaqaalaha Somaliland, isaga oo sheegay in tirada konteenarrada soo mara dekedda Berbera ay hoos u dhacday ku dhowaad 48 boqolkiiba, taas oo saamayn ku yeelatay dakhliga Somaliland ee ku tiirsan isu-socodka maraakiibta.

Waxa uu rajo ka muujiyay in hoos-u-dhacu yahay mid ku-meel-gaadh ah, isla markaana xaaladda dagaalladu marka ay dhammaato uu isu-socodka ganacsigu soo kaban doono.