Maxay kawada had leen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka dalka Sweden ?

5

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Mr.Lingarde.

Labadaasi mas’uul ataa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Warka Qoraal ah ee kasoo baxay  xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu faah faahiyey kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa xoghayaha golaha Cabdikariim Buux.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya #Lingarde ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay xafiiska gudoomiye Mursal.