Senetor Muuse Suudi” Waxba ma qaban waxa aan qaban doonana ma ogi”.

13

Hadal jeedinta musharixiinta u tartamaya kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo galaya Hir-shabelle ayaa ka socoto xarunta dowlad goboleedkaasi ee Jowhar.

Qaar ka mid ah musharixiinta ayaa Baarlamaanka Hir-shabelle kahor jeediyay khudbadohooda waxaa ka mid ah Sanatar Muuse Suudi Yalaxow oo afasano ku matalayay Hir-shabelle Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Aqalka Sare.

Waxaa uu baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabelle ka sheegay in uusan wax badan qaban mudadii afarta sanada ahayd ee uu kursiga ku fadhiyay aqalka sare islamarkaana waxa uu hada qaban doonana uusan ogeyn.

Senetor Muuse Suudi ayaa baarlamaanka Hir-shabelle ka dalbaday iney codka kalsoonida siiyaan haduu u qalmo hadii uusana u qalmina laga reebo.

Sidaan ayuu yiri ka hor yiri Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-shabelle Muuse Suudi Yalaxow…

“Aniga warkeygu ma badnaan doono, wax aan soo qabtay ma aqaan oo iima miisaana, sanduuqa dhalada ( Doorashada ) ayaan ka arki doonaa, waxa aana qaban doonana ma ogi, iyaguna wixii Ilaaheey igu aaddiyo ayey noqon doonaan, Senetor Aqalka Sare ah ayaan ahaa, haddii aan u qalmo iigu celsha, haddii aad ewel i dhibsateenna iga reeba, Waana mahadsan tihiin.”

Senetor Muuse Suudi ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii sida weyn ugu hor timid muddo kordhintii 2da sanada ahayd Baarlamaankii sharcigiisu dhammaaday ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo islamarkaana qeybta ka ahaa madaxdii Badbaado Qaran la magac baxday.