Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xaayow ayaa sheegay in xaaladda magaalada Baydhabo ay hadda degan tahay, kaddib weerar ay saaka magaalada ku qaadeen sida uu sheegay bkooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka lagu doonayay in lagu khal-khal geliyo amniga magaalada, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay isku dayeen inay cabsi geliyaan shacabka ayna qalalaase ka abuuraan Baydhabo.
Wuxuu sheegay in weerarka ay hoggaaminayeen xubno uu ku tilmaamay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo uu magacyadooda ku sheegay Macallin Saalax, Jaylaani, Guuleed iyo Xasan Yacquub.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay iska kaashadeen ka hortagga weerarka, isagoo xusay in ciidamada ay magaalada ka sameeyeen hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga.
“Waxaan dadweynaha u sheegaynaa inay is dejiyaan. Xaaladda magaaladu waa hagaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeenku.
Wuxuu sheegay in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha iyo xaaladda dhinacyada dagaalka, iyo sidoo kale tirada dadka la qabtay iyo wixii dhacay intii uu socday howlgalka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale shacabka Baydhabo ugu baaqay inay isdejiyaan, isagoo sheegay in magaalada ay dib ugu soo laabatay xaaladdeedii caadiga ahayd.
Wuxuu bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, isagoo sheegay inay door ka qaateen sugidda amniga magaalada iyo ka hortagga weerarka.
Afhayeenka ayaa ugu dambayn sheegay in dowladda Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo amniga laguna wajahayo Al-Shabaab.











