Itoobiya oo Masar, Eriteriya iyo Suudaan ku eedeeysay inay taageerayaan kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda

2

Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa ku eedeeyay Masar, Eriteriya iyo Suudaan inay taageero siinayaan kooxo hubaysan oo doonaya inay xukunka ka tuuraan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Birhanu Jula ayaa sheegay in kooxahaasi aanay kaligood awood u lahayn inay dowladda Itoobiya ka adkaadaan, balse ay u baahan yihiin taageero, sahay iyo dhaqaale uga yimaadda dibadda. Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale Eriteriya ku eedaysay inay door isku-xidh ah ka qaadanayso taageerada kooxaha hubaysan.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli dagaallo culus ay dib uga qarxeen waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan Tigray iyo deegaannada ku dhow ee Amhara iyo Afar. TPLF ayaa la sheegay inay qabsatay garoomo diyaaradeed iyo deegaanno muhiim ah.

Masar iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xilligan isku haya muranka Biyo-xidheenka GERD ee laga dhisay Webiga Nile-ka, halka xidhiidhka Itoobiya iyo Suudaan uu sidoo kale xumaaday sababo la xidhiidha eedeymo dhinaca amniga ah.

Eriteriya ayaa iyaduna xidhiidh aad u xun la leh Itoobiya tan iyo markii uu xumaaday xidhiidhka labada dal kadib heshiiskii nabadeed ee soo afjaray dagaalkii Tigray. Dowladda Eriteriya ayaa hore u diidday eedeymaha Itoobiya ee ahaa inay taageerto kooxaha hubaysan.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay dib u soo noqoshada dagaallada, iyadoo ka digtay in Itoobiya ay mar kale geli karto dagaal ballaadhan oo la mid ah kii 2020–2022.