Musharax Tarsan” Waxaan ahay siyaasi usoo taagan inuu hagaago dalkaan.

3

Safiirka dalka Kenya u fadhiya Soomaaliya islamarkaana hadda ah musharax u taagan mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya Dowlad Goboleedka Hir-shabelle Maxamed Cali Nuur (Tarsan) ayaa maanta baarlamaanka Hir-shabelle ka horjeediyay hadal jeedintisa musharaxnimo.

Musharax Tarsan ayaa marka hore baarlamaanka Hir-shabelle ka dalbaday iney u doortaan senetorka aqalka sare ee Dowladda Federaalka, wuxuu tilmaamay in maamul Goboleedkaasi uu tartanka musharixiinta ka muujiyay Cadaalad,

Hadalkiisa isagoo sii wada waxaa uu xusay iney dadka qalbigooda uu wanaasan yahay hadda, maadama hore ay ugu qalbi jabeen tartamadihii hore islamarkaana abaalkaasi ay leeyihiin Madaxweynaha Hir-shabelle Cali Guudlaawe iyo Guddiga doorashooyinka maamulkaasi.

“Anigu mi ihi dhaqtar, Injineerna mi ihi, waxkalena mi ihi, anigu waxaan ahay Siyaasi usoo taagan wadankaan in uu hagaago, qofkasta meel buu leeyahay, meesha siyaasada laga hago, waxa weeye waa halkaan iyo aqalada hoose”.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney doorashadaani aqalka sare ay taariikhda gali doonto, isagoo sheegay iney soodhaweenayaan islamarkaana uu filayo in uusan jirin Malxiis waxa uu ugu yeeray.