Madaxweyne Deni oo gudoomiyay shirka golaha wasiirada Puntland.

2

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada quraanka ee ku yaala deegaanada maamulkaas.