Diyaaradaha dagaalka Yahuuda oo duqeyn ka fuliyay marinka Qasa.

3

Wararku waxay sheegayaan in duqeynta oo saaka arroortii dhacday lagu bartilmaystay xafiisyo uu leeyahay ururka Xamaas ee Falastiin ka aas aasan.

Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay diyaaradaha Yahuudu ay dhawr gantaal ku dhufteen xaafado rayid deganyahay.

Xaafado ay ka mid yihiin Baytal Xanuun iyo Jabalya ayaa ka mid ah meelaha diyaaraduhu duqeeyeen.

Israel ayaa sheegtay inay ka jawaabaysay weerar gantaalo ah oo lagu qaaday dhulka ay Yahuudu xoogga ku haysato.

Willi lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo duqeynta maanta ka dhashay sidoo kalena ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka ururka Xamaas.