Guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo guddoon doortay

10

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamul goboleedka HirShabeelle, iyaga oo doortay guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa  xilka gudoomiyaha isku soo taagay Axmed Xasan Diini, waxaana iyada oo aysan jirin cid la tartantay oo ku guuleystay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka HirShabeelle, isaga oo helay 10 Cod.

Xilka guddoomiye ku xigeenka gudiga ayaa  waxaa isku soo sharaxay Xaliimo Maxamed Cismaan, waxaana , iyada oo aysan jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan ay heshay dhamaan codadka guddiga, iyada oo noqotay Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka HirShabeelle.

Horay waxaa Guddoon u doortay guddiyada doorashada heer Federaal, kuwa dowlad goboleedyada sida maamulada, Koonfur Galbeed, Galmudug , Puntland, Jubbaland, Guddiyada doorashooyinka maamulaya Beelaha Banaadiriga & guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.