Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo maanta xariga taliska qeybta 27-aad ee degmada Buula-barde

19

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah xariga uga jaray taliska qeybta 27-aad oo si ku meel gaar ah ugu shaqeyn doonta dhismiihi shiirkole ee degmada buula-barde ee gobolka hiiran.

Muunasibada xarig jarka waxaa ka soo qeyb galay taliyaha Qeybta 27-aad taliyaha ciidamada  Amisom , madax weyne ku xigeenka Hirshaabele, xildhibaano iyo maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada buula-barde odayasha dhaqanka iyo marti shaqaf kale.

Ugu horeyntii waxa goobta ka hadlay odayaasha dhaqanka iyo guddoomiyaha dagmada buulo, barte Faysal Haajir Aadan kuwaas oo sheegay in taliskan uu muhiim u yahay dadka deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Madxweyne kuxigeynka dowlad gobeledka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (dabageed) ayaa u mahadceliyay taliyaha Ciidanka Xoogga madama uu taliska qeybta 27-aad ugartay dagmada buula-barte,

Ugu dambeyn Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo soo xiray munaasibada hir-gelinta taliska qeybta 27-aad ayaa sheegay in taliskan uu masuul ka noqon doono dhul aad baaxad weyn.

Dagmada buulo-burte ee gobalka Hiiraan ayaa ah dagmada ee dowlad gobaleedka Hirshabeele ayaa waxaa muddo ku dhow  8sano ay dagaalamayaasha AL-shabaab god’oomiyeen dad badana oo ku noolaa deegaano hoos yimadana ay dhibateeyeen AL-shabaab.