Wasiirka Tamarta Soomaaliya: Fatahaadaha Deyrta waxay sababi karaan in la waayo 7,000 oo ceelal biyood ah

0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa ka digay saameynta fatahaadaha laga filayo xilliga Deyrta, isagoo sheegay in ku dhowaad 7,000 oo ceelal biyood ah oo ku yaalla meelaha ay webiyadu maraan ay halis ugu jiraan inay fatahaaduhu waxyeelleeyaan.

Wasiir Bidhaan ayaa sheegay in haddii ceelashaasi ay fatahaaduhu awdaan ay adkaan karto in dib loogu hawlgalo, taasoo saameyn ku yeelan karta helitaanka biyaha ee dadka ku nool deegaanada ay fatahaaduhu saameeyaan.

Waxa uu sheegay in xaaladda la saadaalinayo ee la xiriirta Super El Niño ay tahay mid u baahan diyaar-garow iyo dadaal xooggan, maadaama roobab culus iyo fatahaado ay ka dhalan karaan.

Dhinaca kale, wasiirku wuxuu ka digay in qaybo kale oo dalka ka mid ah ay wajihi karaan abaaro, gaar ahaan haddii roobabka Deyrta ay baaqdaan, xilli roobabkii Guga ee sanadkan ay ahaayeen kuwo aad u yar deegaano badan.

“Haddii roobkii Deyrta la waayo, roobkii Guga oo aad u yaraa maxay saameyn yeelan doonaan?” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortagga xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhalan kara fatahaadaha iyo abaaraha.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday abaartii ba’neyd ee Soomaaliya ka dhacday 2016 iyo 2017, isagoo sheegay in xilligaas dalka uusan lahayn dowlad awood leh oo si buuxda uga jawaabta xaaladda.

Waxa uu sheegay in maanta ay jirto dowlad federaal ah oo laga doonayo inay muujiso farqiga ay keeni karto dowladnimadu, gaar ahaan marka ay timaaddo wax ka qabashada dhibaatooyinka bulshada.

Bidhaan ayaa carrabka ku adkeeyay in waxa ugu muhiimsan aysan ahayn shirarka iyo kulamada la qabto, balse ay tahay waxa dhab ahaan dadka Soomaaliyeed gaara iyo tallaabooyinka loo qaado wax ka qabashada baahiyahooda.

Wuxuu ugu baaqay dowladda, maamulada iyo bulshada Soomaaliyeed inay iska kaashadaan diyaar-garowga, lana raadiyo meelaha ay jiraan baahiyaha ugu daran iyo sida loo heli karo waxqabad wax ku ool ah oo dowladda iyo hay’adaha kale ay ku biirin karaan.