Beesha Mudulood oo raalli-gelin ka bixisay dilka askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka

0

Duubabka dhaqanka, salaadiinta iyo waxgaradka beesha Mudulood ayaa raalli-gelin ka bixiyay dilka Dable Axmed Shire, oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, kaas oo dhawaan lagu dilay deegaanka Iji ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah madaxda dhaqanka ee Mudulood, oo ay ka mid ahaayeen Imaam Daahir, Imaam Maxamuud, Imaam Cumar iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa lagu cambaareeyay dilka askariga, iyadoo tacsi loo diray qoyskiisa iyo beesha Xawaadle.

Waxgaradka kulanka ayaa sheegay in falkaasi aanu matalin beesha Mudulood, isla markaana ay ka xun yihiin dhacdada ay ku tilmaameen mid fool xun oo dhaawacaysa xiriirka iyo walaaltinimada ka dhaxaysa labada dhinac.

Waxay sheegeen in Mudulood iyo Xawaadle ay yihiin dad walaalo ah oo muddo dheer wada noolaa, isla markaana ay ka dhaxayso xiriir bulsho, deegaan iyo mid qaraabonimo, sidaas darteedna aan loo baahnayn in dilka marxuumka uu horseedo aargoosi ama colaad kale.

Dhaqanka Mudulood ayaa si gaar ah raalli-gelin uga dalbaday ehelada iyo qoyska Axmed Shire, iyagoo sheegay in aanay awood u lahayn inay soo celiyaan nolosha marxuumka, balse ay diyaar u yihiin in wixii xal iyo nabad ah ee lagu gaari karo dhacdada ay qayb ka noqdaan.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ay ka dhacayaan iska horimaadyada iyo colaadaha beeleed, in la joojiyo dagaallada, lagana fogaado falalka keeni kara dhimasho iyo aargoosi hor leh.

Waxgaradka Mudulood ayaa sheegay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo isu soo dhawaansho, iyagoo ku boorriyay dhinacyada ay khuseyso dhacdada dilka Axmed Shire inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.