Militeriga Koonfur Afrika oo la geeyay gobollada ay ka socdaan rabshadaha

11

Militeriga Koonfur Afrika ayaa loo daabulay gobollada KwaZulu Natal iyo Gauteng kadib rabshadaha ka dhashay markii la xiray madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma.

Miiteriga ayaa laamaha amniga ka caawin doonaa sidoo loo joojin lahaa xiisadda maalmihii lasoo dhaafay gobolladaas.

Qulqulatooyinka iyo boobka maalintii shanaad ka soconaya waddanka Koonfur Afrika.

Dhanka kale maxkamadda dastuuriga ee Koonfur Afrika ayaa waxa ay haatan dhagaysanaysaa arji kaga yimid madaxweynaha hore ee xabsiga ku jira, taas oo uu ku doonayo in xukunka xabsi loogaga laabto.

Muuqaallada lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad boobayo dukaamo iyo kuwa dab qabadsiinaya dhismooyin ku yaalla halkaas.

Sirddoonka Koonfur Afrika waxay sheegeen in 6 qof ay ku dhinteen rabshadaha halka 200 qof la xiray tan iyo markii qalalaasaha ay ka bilowdeen halkaas.

Booliska gobolka KwaZulu-Natal waxay dadka boobka geysanayo ku eedeeyeen inay ka faa’ideysanayaan xaaladda.