RW Rooble oo Kismaayo kula kulmay Saraakiisha ciidamada AMISOM.

14

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu wehliyo  Wasiirka Gaashaandhigga,xukumadda federalka Soomaaliya  Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka argagixisada Al shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland sida gobolada Jubbada Hoose,Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo.