R/Wasaare Rooble oo lagu wado inuu gaaro Garbahaarey.

6

Waxaa maanta lagu wadaa in degmada Garbahaarey ay gaaraan wafdi hor u dhac u ah R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga ayaa ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ugu sii diyaariyaan qaabka soo dhaweynta, halka sidoo kale magaalada ay tagi doonaan ilaalada gaar ka ah ee R/wasaare Rooble.

Magalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoona  amniga Magaalada si weyn loo adkeeyay.

War ay heshay KNN ayaa sheegaya in maalinta beri ah la filayo in R/Wasaare Rooble uu booqasho ku tago Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaarey kula kulmo  siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ee diidan Maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Garbahaarey ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoona haatan ay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhex jira dadka dega gobolka Gedo iyo maamulka uu hoggaamiye Axmed Madoobe.

Ra’iisal Wasaaraha  Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa  habeen ka hor  Magaalada Kismaayo kula kulmay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Heer Dowlad Goboleed, Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo siyaasiyiinta ku metela Gobolka Gedo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kala hadlay doorka ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta Jubbaland iyo dhammeystirka hannaanka doorasho ee Jubbaland, gaar ahaan kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Magaalada Garbahaarey.