Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo miino kula qaraxday Mudug

1

Wararka ka imaanaya  gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay deegaano u dhow degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, kadib markii gaari BL ama hoomeey ah  ay Ku qaraxday Miino inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne.

Dadka deegaan aya sheegay in labada qof ee saarnaa gaariga ay goobta ku geeriyoodeen.

Ma jiraan weli wax war ah oi ka soo baxay maamulka Galmudug