Milliteriga Yuhuudda Burburiyey Dhismo Uu Lahaa Nin Falastiini Oo Haysta Dhalashada Maraykanka

13

Ciiddanka Israel waxay maanta cagta mariyeen guri 2 dabaq ahaa oo uu lahaa qoyska Muwaadin Maraykan oo asalkiisu Falastiini ah, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerar horey loogu dilay shaqsi Israeli ah, mid kalena lagu dhaawacay.

Wakaalladda Wararka AP ayaa soo bandhigtay Muuqaal muujinaya Ciiddanka Israel oo miinooyin ku qarxinaya guriga uu lahaa Muntasar Shalabi oo ku yaalla Tuulladda Turmis ee Deegaanda Daanta Galbeed ee Reer Falstiin.

Saana Shalabi oo ahayd Xaaska Ninka leh guriga la burburiyey waxay Wakaalladda AP u sheegty inay kala tageen dhowr sano ka hor, isla markaana uu 3 haween ku guursaday Gobalka New Meksiko ee dalka Maraykanka.

Maxkamadda Sare ee Israel ayaa amartay bishii hore go’aanka manta lagu burburiyey Dhismahaasi, inkastoo ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ku baaqday in la joojiyo burburinta dhismahaasi.