Maxaa Looga Hadlay Kulanka Maanta Ee Baarlamaanka Galmudug?

13

Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kalfadhiga 2-aad ee kulankiisa 24-aad

Kulanka maanta Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlinaayeen Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

1. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga Galmudug.
2. Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Khidmadaha & Ujuurooyinka Kalluumeysiga Badda Galmudug.
Gudiga Dhaqaalaha, maaliyada, Ganacsiga iyo warshadaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kulanka kusoo bandhigay qodobadii ay kabadaleen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga Galmudug sharcigaan oo ay soo gudbisay wasaarada Ganacsiga Galmudug.

Sidoo kale Gudiga Beeraha, Kheyraadka iyo Bey’adda Baarlamaanka Galmudug ayaa faah faahiyay dib u eegis ay ku sameeyeen Hindise Sharciyeedka Khidmadaha & Ujuurooyinka Kalluumeysiga Badda Galmudug.