Ciidanka Xoogga Dalka Oo Howlgallo Ka Sameeyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

17

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulada lagu magacaabo jameeco jiliyaale oo ka tirsan gobolka shabeellada dhexe.

Saraakisha Ciidanka horkacaysa ayaa sheegay in intii Howlgalkaasi socday ay Ciidanka ku burburiyeen fariisimo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaankaasi, sidoo kalena halkaas ay ku gubay mooto sadax lugooley ah oo sida ay sheegeen iskaga kala gooshi jireen tuulooyinka ku xeeran deegaanka.

Waxaa ay intaas ku dareen Saraakisha Ciidanku in Howlagalka oo u dhacay sidii logu tala gala waxaa goobo dhowr ah oo la baaray laga helay agab ciidan sida tuutooyin iyo qori Ak-47, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa dhawaanahaan sameynayay Howlgallo qorsheysan oo ay inta badan ka sameeyeen Gobolada Shabeelooyinka,waxaana mararka qaar ay iska caabbin kala kulmaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku xooggan degaanno ka mid ah labada Gobol.