Ra’iisul wasaaraha Suudaan oo ka digay dagaal sokeeye oo ka dhaca dalkaasi

14

Ra’isul Wasaaraha Sudan ayaa taladaadii ka digay halista fowdo iyo dagaal sokeeyee oo uu sheeegay inay abaabulayaan ‘kuwa daacad u ah maamulkii hore’ isagoo difaacayay dib u habeynta Sudan looga saarayo dhibaatada dhaqaale ee qotoda dheer iyo xasilinta siyaasadda xilliga kala guurka ah.

Abdalla Hamdok ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu kula hadlay dadka dalkiisa, taas oo uu ka jeediyay telefishinka maalmo kaddib markii rag dhallinyaro ah oo watay budad iyo ulo ay xireen waddooyinka caasimada Khartoum, kaddib markii ay dowladdu joojisay lacagihii ay ku kabi jirtay shidaalka.

Dowladda Hamdok ayaa ku howlgasha heshii awood qeybsi ah, kaas oo u dhexeeya militariga iyo rayidka, kaddib kacdoonkii dadweynaha ee ciidanku xukunka uga tuureen hoggaamiyihii waayo-aragga ahaa ee Omar Al-bashiir bishii April 2019.

Xilliga kala guurka ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu gaaro doorasho, isagoo ku eg dhammaandka sanadka 2023.

“Xaaladda nabadgelyada ee ka sii dareysa waxay inta badan ku xirantahay kala qeybsanaanta ka dhex jirta qeybaha kacdoonka, taas oo fursad ay ka faa’iideystaan siineysa cadowgeenna iyo haraadigii taliskii hore” ayuu yiri Hamdok.

Waxa uu sheegay inta dib u habayn lagu samaynayo amniga Sudan ay taagnaan doonaan halista amni ee gudaha iyo dibada uga imaanaya.