Norway Oo Soomaaliya Ka Caawinaysa Dhaqaalaha Doorashooyinka

16

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa maanta la kulmay safiirka Dawladda Norway ee Soomaaliya Elin Rognlie, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Wasiir Beyle iyo Danjire Elin Rognlie ayaa si gaar ah uga wada hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka.

“Waxaa sharaf ii ah in aan maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Norway ee Soomaaliya H.E. Elin Rognlie oo aan ka wadahadlanay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta Dowlad-Wanaagga iyo dhaqaalaha Doorashooyinka dalka, Norway waa mid ka mid ah Saaxiibada ugu wanaagsan ee Soomaaliya , waxa ayna qeyb muhim ah ka qaadatay geedi socodka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle.