DF iyo Kenya oo ka wada hadlay dib u furitaanka safaaradaha ku kala yaal Muqdisho Kenya

3

Wasiirada arrimaha debadda Soomaaliya iyo Kenya oo qadka telfoonka ku wada hadlay ayaa sheegay in muhim ay tahay dib usoo celinta xiriirka labada dowladood.

Labada wasiir ayaa muujiyay muhimada ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore dowladda Kenya ugu eedeysay iney faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha dalka gaar ahaan tan doorashada iyadoo sidoo kale Kenya ay dhawaan dib u fasaxday diyaaradiihii isaga kala gooshi jaray Muqdisho iyo Kenya.