Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan qado sharaf ah oo uu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen), Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Aadan Madoobe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiya golaha shacbaka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo masuuliyiinta kale ee kulankan maanta qeybta ka ahaa ayaa ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashada oo dhawaan heshiis laga gaaray.