Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya oo kulamo siyaasadeed ka wada Muqdisho.

8

Madaxweynaha  dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kamid ah madaxdii qeybta ka ahayd heshiiskii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashooyinka ayaa kulamo kala duwan ka waday magalada Muqdisho.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo  Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa kulankooda intii uu socday waxa ay uga wada hadleen arrimaha amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka AL-shabaab iyo deegaanada ay Shabaab joogaan sidii looga saari lahaa.

Safiirka Dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu soo dhamaaday shirkii heshiiska looga gaaray arrimaha doorashada ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxdii wax ka saxiixay heshiiskaas oo uu kamid yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.