Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaya dib u dhiska maxkamadaha Garsoorka

22

Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian ayaa maanta magaalada Muqdisgo ku yeeshay kulan la xiiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiirka Cadaaladda Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safiirka uga warbixiyey xaaladihii ugu dembeeyey ee dalka. isagoo si kooban u dul istaagay shaqooyinka ka socda Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya ayaa balan qaaday in Shiinaha uu qayb ka qaadan doono dhismaha Maxkamadaha hay’adaha Garsoorka iyo tababar siinta shaqaalaha Wasaaradda iyo Garsoorayaasha ka shaqeeya xarumaha Cadaaladda.