Ergeyga Qadar oo kulamo la qaatay qaar kamid ah madaxda D/goblleedyada

31

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor ayaa isna dhankiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani.

Waxaa uu Laftagareen sheegay in ergayga ay ka wada hadleen hadleen xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani.

Cumar Filish iyo ergayga ay ka wada hadleen Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani. Xaaladda magaalada Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtan, Wuxuu Soomaaliya u joogaa arrimo wadahadal iyo dhexdhexaadin. Weftiga uu hoggaminayo waxay la kala kulmeen, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah mucaaradka.