Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

3

Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo ahaa wiil tagsiile ah ayaa Arbacadii shalay aheyd lagu toogtay magaalada Moorhead ee gobolka Minnesota, sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladaas.

Dilka C/llaahi ayaa loo soo qabtay Willie Sparkman oo ah 18-jir, wuxuuna ku eedeysanyahay dillka darajada labaad oo ah mid aan ula kac aheyn, maadaama Sparman qurshihiisa kowaadd uu ahaa inuu dhac iyo baarasho u geysto marxuumka oo ahaa 24-jir sida ay sheegeen Booliska magaalada Moorhad.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay eedeysane Sparman ku raad-joogeen kakor inta aanu dilin C/llaahi, maadaama uu dhac ka geysta laba goobood oo kala duwan labadii habeen ee la soo dhaafay.

C/llaahi Maxamed ayaa noqonaya Soomaaligii labaad oo muddo toban cishe gudahood ah lagu dilay gobolka Minnesota, waxaana todobaadkii hore ay tuugo hubeysan ku dhex toogteenn xawaaladda Taaj ee xaafadda Cedar ee magaalada Minneapolis wiil la dhihi jiray Liibaan Cusman Baqarre.