Weerar ka dhacay degmada Wanla-weyn

19

Faahfahaino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax  xalay  ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose waxaana la soo sheegayaa in uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed.

Ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhaawacmay waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee laba kamid ah ciidankaas.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in askarta ku dhaawacantay weerarkaasi bambaano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka degmada Walanweyn si loogu daweeyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib  ay ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed ay sameeyeen howlgal, kuwaasi oo ku baadi goobiyay kooxihii ka dambeeyay weerarka.