Jubbaland Iyo Puntland Oo Magacaabay Guddi Doorasho Baaqna U Diray Dowladda Federaalka

12

War-murtiyeed ay si wada jir usoo saareen xaley saqdii dhexe maamullada Jubaland iyo Puntland ayey kusoo magacaabeen guddiyadii doorashada ee muddada laga sugayey.

Guddigan doorasho ee labada maamul oo ka kooban min sideed xubnood ayaa ah kuwa heer gobol, waxayna qeyb ka noqon doonaan guddiyadii ay horey usoo magacaabeen maamul goboleedyada kale.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka aj in shir degdeg ah la isugu uimaado 30 bisha January 2021 si loo xaliyo arrimaha hor taagan doorashada.

Liiska Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa kala ah:-

1- Siyaas Maxamed Mursal

2- Axmed Maxamuud Cumar

3- Axmed Cabdi Nuur

4- Zamzam Faarax Abuukar

5- Maxamed Cusmaan Gaab

6- Ibraahim Aadan Ibraahim

7- Axmed Yuusuf Maxamed

8- Abuukar Nuur Cabdi

Liiska Guddiga Doorashada Puntland ayaa kala ah:-

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud

2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale

3- Axmed Cabdi Maxamuud

4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen

5- Caydaruus Axmed Faarax

6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

7-Farxiya Xuseen Maxamuud

8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame