Golaha Midowga Murashaxiinta Oo War Kasoo Saaray Guddiyadii Ay Magacaabeen Jubbaland Iyo Puntland

6

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war kasoo saaray Guddiyadii xalay ay ku dhawaaqeen maamulada Jubbaland iyo Puntland.

War-saxafadeed ay soo saareen Golohu ayay ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan guddiga ay magacaabeen labada maamul, waxaana sidoo kale ay soo dhaweeyeen wada hadalka ay ku baaqeen, iyadoo labada maamul ay dalbadeen shir deg deg ah oo la isugu yimaado, waxaa Golaha Midowga Murashaxiintu ay sheegen in ay tahay arrin wanaagsan loona baahnaa in mar hore lagu dhaqaaqo.

“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Wuxuu kaloo soo dhaweynayaa in ay shir degdeg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020” ayaa lagu yiiri qoraalka Golaha Midowga Murashaxiinta.

Waxaa sidoo kale Goluhu uu dowladda federaalka ugu baaqay in ay kaalinteeda qaadato, ayna dar-dar galiso doorashooyinka, sidoo kalena ay diyaar u noqoto wada hadalada ay ku baaqayaan labada maamul Goboleed. Sidoo kale Beesha Caalamka ayay Golaha Midowga Murashaxiintu ugu baaqeen in ay laba laabaan dadaaladooda ku aaddan doorashada dalka iyo guud ahaan xasiloonida dalka.