Jubbaland Oo Taageertay Warbixintii Guddiga Xaqiiqo Raadinta Ee IGAD

5

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa  waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD. Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

1-Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqoraadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ahdhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oocadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka.

2-Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa magacaabida Gudiyada Maamulka Doorashada Qaranka ee Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ee heer Dowlad goboleed taas oo uu goluhu u arkey tallaabo sax ah oo horey loo qaadey. Wuxuu goluhu hoosta ka

xariiqey inay lagama maarmaan tahay qabsoomida shirka Golaha wadatashiga qaranka ee lagu baaqey si loo xalliyo caqabadaha hor taagan Doorashooyinka.

3-Ugu dambeyn Goluhu wuxuu ka digayaa cid kasta oo sameysa doorasho aan la isku waafaqsaneyn inay masuul ka noqoneyso dhibaatada ka timaada, Golaha wasiirada Jubbaland waxay ugu baaqaan Madaxweynaha DFS inuu qaato doorkiisa hogaamineed iyo masuuliyada ka saaran badbaadinta Dalka.