Bannaabax lagu soo dhaweeyay qaraar uu Saxiixay Madaxweyne Farmaajo

14

Banaanbax lagu taageerayo go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo uu ku ansixiyay in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho mataalada Aqalka Sare ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Banaan baxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon, waxaa ka soo qeyb galay dad shacab ah oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka socota qeybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya  ayaa ka qeyb galay bannaanbaxa, iyagoo goobta ka jeediyay khudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay saxiixay qarraarka 13 Senator ku waasi oo aqalka sare ku matali doona shacabka  gobalka Banaadir.