James Swan Oo Ku Wajahan Jowhar Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

26

Ergayga gaar ah ee Qaramada madoobe u qaabilsan  Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeellee.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in James Swan uu maanta ka degi doono Jowhar, waxaana socdaalkiisu la xariiraa safaro uu dhawaanahaan ku tagayay Maamul Goboleedyada dalka.

Socdaalkiisa ayaa ah si uu u raadiyo xal ku aadan is mari waaga ka taagan doorashada, is afgarad dhammaan dhex-mara dhinacyada ay ku quseyso siyaasadda dalka, waxaana arrimaha uu kala hadli doono Hirshabeelle ay yihiin kuwo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafyada taagan.

Beesha caalamka ayaa waxaa ay horay u shaacisay in ay ka go’antahay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho la isla oggolyahay, taasi oo madaxda maamul Goboleedyada iyo Musharxiinta mucaaradka ah ay ku wada qanacsan yihiin, waxaana James Swan uu horay kulamo ula soo qatay Madaxweynayaasha maamulada Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntland.