Cabudweli Gaas” Waa nasiib darro in Farmaajo & Axmed Madoobe colaad ka abuuraan Gedo”

18

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii khasaaraha geystay ee ka dhacay gobolka Gedo, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubbaland.

Gaas oo la hadlay mid kamid ah TV-yada ka howlgalla dalka ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in xilligaan dhiig Shacabka Soomaaliyeed lagu daadiyo gobolka Gedo, iyada oo lag heshiin karay.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe labaduba ay tagyaan, hayeeshee waxa dhibka ugu badan uu gaarayo ay yihiin dadka Shacabka ah ee ku nool Gobolka Gedo.

“ Waa nasiib darro in saacadaan colaad aan micno ku dhisneyn ay u dhintaan dad Soomaaliyeed, Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe labaduba gobolka Gedo mas’uuliyad ayaa ka saaraan ee waa inay ka heshiiyaan ayuu yiri”  Cabduweli Gaas.

Caqabadaha ugu weyn ee xilligaan dalka kajira ayaa waxaa ay noqotay arrinta Gobolka Gedo oo tiro laba jeer ah ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda ay goblkaasi geysay iyo kuwa Jubbaland oo doonaya inay la wareegaan degmada Beled-Xaawo.