Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil oo maanta ka gaaray Gedo.

0

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaareen degmada Doolow ee gobolka Gedo, kadib markii dhawaan uu halkaasi ka dhacay dagaal  sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Masuuliyiinta maanta gaaray  degmada Doloow ayaa waxaa ka mid ah wasiirada warfaafinta,Gaashaandhigga, cadaaladda iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka wafdigan ay u tageen degmada Doolow ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen khasaaraha gaaray shacabka iyo xaaladda guud ee gobolkaas iyagoo uga sii gudbay Beled-xaawo.

Wafdigan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan maamulka degmooyinka gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay la hadlaan warbaahinta.