Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in Dhul-gariir xoogan oo gabi ahaanba gil-gilay magaaladaasi, kaasi oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.
Dadka deegaanka ayaa markabley u sheegay in shacabka ay soo wajahday cabsi, iyagoona xalay ka baxeen guryahooda.
Waxaana xusid mudan in Dhul-gariirkii xalay ku dhuftay magaalada Boorama laga dareemay deegaanada ka agdhow magaaladaasi.
Ilaa iyo hada lama oga inuu jiro khasaare ka dhashay Dhul-Gariirka.
Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Soomaaliland.