Cabsi laga qabo inuu markale dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashooyinka

6

-ta bishan Janaayo 2021 ayaa ku eg waqtigii ay u qabteen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee lagu muransan yahay in lagu qabto codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay maanta dib u dhacday

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Guddiga doorashooyinka ay soo saareen jadwalka ay madaxda dowlad Goboleedyada dalka uga dalbanayaan inay soo gudbiyaan Liiska Tartamayaasha Aqalka Sare, waxaana Jadwalkaas uu u muuqdaa mid ku dhow inuu fashilmo.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa horay u shaaciyay inuu is bedel ku yimid jadwalkii koowaad ee ay soo bandhigeen ee ahaa in doorashada Aqalka Sare la qabanayo inta u dhaxeysa 31 december 2020 illaa 6 Janaayo 2021, waxaana ay ka dhigeen 7-14 Janaayo 2021.

Muran xoogan ayaa ka taagan guddiga doorashooyinka Soomaaliya.