Faahfaahino laga helayo howlgallo dad badan lagu soo qabtay oo ka dhacay Jowhar

22

Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabeelle.

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga lagu sugayo ayaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadjir ah u fuliyeen ciidamo isugu jira boolis, nabad sugid iyo ciidanka booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa sheegay inay baaritaanada u sameynayeen si feejigan, iyagoo u dhimrinaya shacabka.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka HirShabeelle ayaa ciidanka ku bogaadiyay howlgallada ay wadaan iyo sida ay bulshada ula dhaqmayaan,waxayna ku micneeyeen ujeedka howlgaladan kuwo lagu sugayo amniga magaalada.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Jowhar lagu qabtay qaraxyo iyo rag looga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana horay magaaladaas loogu dilay mas’uuliyiin ka tirsaneyd maamulka HirShabeelle.