R/Wasaare Rooble oo la kulmay guddiga doorashooyinka

6

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la yeeshay guddiyada madaxa bannaan ee doorashada heer Federal iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Raysal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay guddigan inay si madax bannaan oo daah furan u wajahaan sidii dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Raysal Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in guddigan uu laf dhabar u yahay doorasho ka hufan musuq maasuq iyo cadaalad darro islamarkaana ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha siyaasada.

Wuxuu raysal wasaaraha u sheegay in guddiyada looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan in doorashada ay soo galaan kooxaha nabad diidka iyo argigixisada.

Guddigaan uu raysal wasaaruhu horey u magacaabay ayaa loo jeediyay eedaymo ku aadan in ay  qeybtooda katirsan yihiin hay’adda amniga, looguna talo galay in lagu cabsi galiyo ergooyinka doorashooyinka ka qeyb galaya.

Hadalka R/Wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya xili Musharaxiinta Madaxweynaha ay  dhowaan ka soo horjeesteen  guddiyada doorashada ay dowladdu magacawday, waxaana ay ka digeen in qalqal siyaasadeed iyo mid amni uu dalku galo, maadaama ay ku jiraan xubno ka tirsan Ciidanka Nabadsugida iyo shaqaalaha dowladda, sida ay sheegeen

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dowladda Federaalka Somalia ay xareysay guddiiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, kuwaasi ka shaqeyn doono dhameystirka jadwalka doorashooyinka 2020-2021-a