Meydka R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta lagu aasay Hargeysa

14

Magaalada Hargeysa, ayaa maanta waxaa lagu aasay  Allah u naxariistee, R/Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaaladaas oo uu ku xanuunsanayay.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Soomaaliya, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.