Dowladda Kosovo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay inay ka caawiso ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina, iyaga oo aan ogeysiin mas’uuliyiinta dalkaas.
Warqad diblomaasiyadeed oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kosovo u dirtay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sagaalka qof ay hoyga Dua Village ka baxeen fiidkii 27-kii October, abbaaro 7:10 fiidnimo, iyaga oo aan la socodsiin hay’adaha ku shaqada lahaa habraaca booqashadooda.
Mas’uuliyiinta Kosovo ayaa ogaaday maqnaanshahooda maalintii xigtay, xilli loo diyaarinayay gaadiidkii u qaadi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Prishtina, halkaas oo ay ahayd inay ka raacaan duulimaadkii ay dalka kaga bixi lahaayeen.
Baaritaanno hordhac ah ayaa muujiyay inay iskood uga baxeen hoygoodii, islamarkaana ay suuragal tahay inay u safreen goob kale oo gudaha Kosovo ah. Hase yeeshee, ma aysan tegin qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha, halkaas oo loogu diyaariyay bixitaankooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa warqaddeeda ku sheegtay in dadaallo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin.
Wafdiga Soomaaliya ayaa dalka Kosovo gaaray 25-kii October, iyagoo ka degay garoonka diyaaradaha Prishtina abbaaro 7:45 fiidnimo, waxaana hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Siciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenka Dekedaha, Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
Labada mas’uul ee hoggaaminayay wafdiga ayaa dalka ka baxay 28-kii October. Siciid Maxamed ayaa baxay saacadihii hore ee maalintaas, halka Fartuun Cabdulqaadir ay dalka ka ambabaxday fiidnimadii isla maalintaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in ilaa waqtigii warqadda la diyaarinayay aysan hayn xog rasmi ah oo xaqiijinaysa halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin, xaaladdooda sharci ee dalka ama inay gebi ahaanba ka baxeen dhulka Kosovo.
Waxay sidoo kale muujisay walaac ku saabsan badqabka iyo xaaladda nololeed ee dadkaas, maadaama aan la hayn xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay joogaan iyo xaaladdooda.
Dowladda Kosovo ayaa ugu baaqday hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya inay mudnaan gaar ah siiyaan arrintan, islamarkaana sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ogaanshaha halka ay sagaalka mas’uul ku sugan yihiin iyo xaqiijinta ammaankooda.











