Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi

9

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland).

Tallaabadan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha aqalka sare ayaa kusoo aadaysa xilli ay dowladda federalka horey u magacowday guddiyada maamulidoona doorashooyinka kuraasta gobolada waqooyi.

Sida ka muuqata qoraalkaan, guddoomiyaha aqalka sare ayaa ku adkaysanaysa in habraaca doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi loo marayo hannaanka ay ku yimaadeen sanadkii 2016.