Erdoğan oo Xasan Sheekh kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga hirgeliyo wada-hadal siyaasadeed iyo xasillooni, xilli dalka uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Erdoğan ayaa arrintan kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay Khamiistii ku kulmeen magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo uu ka socday shir-madaxeedka caalamiga ah ee COP31.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga, labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada hadlay iskaashiga dhinacyada difaaca, tamarta iyo xaaladaha gobolka. Erdoğan ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada qaranka, wada-hadalka siyaasadeed iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay ka taagan tahay muran siyaasadeed oo xooggan, kaddib wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo khilaafka ka dhashay muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo waqtiga doorashooyinka.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku doodaysa in wax-ka-beddelka dastuurku saldhig sharci u yahay dib-u-habaynta jadwalka doorashooyinka, halka mucaaradka, oo ay ku jiraan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland, ay si cad uga soo horjeedaan isbeddelladaas, iyagoo sidoo kale su’aal gelinaya sii-jiritaanka muddo-xileedka dowladda federaalka.

Kulanka Erdoğan iyo Xasan Sheekh ayaa ka horreeyay kulammo uu safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirku uu hoggaamiyeyaasha mucaaradka ku dhiirrigeliyay inay ka qeyb galaan wada-tashiyada siyaasadeed ee la qorsheeyay in Muqdisho ka qabsoomaan 14-ka ilaa 18-ka November. Si kastaba, safaaradda Turkiga ma aysan xaqiijin inay mucaaradka u gudbisay codsi noocaas ah, inkasta oo ay xaqiijisay kulammada diblomaasiyadeed.

Warbaahinta TRT Afrika ayaa horay u baahisay in sirdoonka Turkiga uu bishii July fududeeyay wada-hadallo dhexmaray dowladda federaalka iyo xubno mucaarad ah, kuwaas oo la sheegay inay ku qabsoomeen jihaynta Madaxweyne Erdoğan.

Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya dadaalka Ankara ay ku doonayso inay ilaaliso xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga milatari, badda iyo tamarta, iyadoo sidoo kale taageeraysa in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal.

Hase yeeshee, weli ma cadda in Erdoğan uu si toos ah Xasan Sheekh ugu cadaadiyay inuu wada-hadal la furo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo dhinacyada kale ee mucaaradka, maadaama war-saxaafadeedka Madaxtooyada Turkigu uusan xusin wax dalab gaar ah oo arrintaas ku saabsan.