Maxaa looga hadlay kulankii ka dhacay hoyga Xasan Sheekh ee Muqdisho?

41

Waxaa maanta Muqdisho kulan ku sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, madaxweynaha Punland Saciid Deni, Shariif Xassan Sheekh Aadan, Cabdirahman Cabdishakur iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka deganyahay madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu gor-feeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday shirka lagu wado in caawa uu Muqdisho uga furmo madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.