Madaxweyne Qoor Qoor oo u safray dalka Jabuuti

11

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta safar ugu amba-baxay dalka Jabuuti.

Safarka madaxweyne Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu ku qotomo howlaha dhismaha dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doona madaxda shirkado la filayo inay ka qeyb qaataan dhismaha dekedda.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa inta uu ku suganyahay dalkaas waxa uu la kulmi doonaa madaxda reer Jabuuti, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Safarkan ayaa waxaa ku wehlinaya madaxweyne Qoor Qoor waxsiirro ay ka mid yihiin Amiga iyo Arrimaha Gudaha Galmudug.