Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Manhajka dugsiyada sare ee dalka

31

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta  daah-furay Manhajka waddaniga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barta uu u qeybiyey buugaagta manhajka, waxuuna ku dhiirri-geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka la galiyey intaba.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu shegay in la joogteyn doono kontaroolka scholada waxbarashada si tayada ardayda iyo heerkooda waxbarasha loo ilaaliyo.

Sii hayaha wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyadoo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare ee dalka, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi.