Villa Somalia oo shaacisay goorta uu furmayo shirka Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

64

Iyadoo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay shalay soo gaareen magaalada Muqdisho ayaa madaxtooyada Soomaaliya waxa ay shaacisay goorta uu furmayo shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in shirkaas oo looga arrinsanayo doorashooyinka dalka uu caawa u furmi doono madaxda.

“Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland” ayuu Cabdinuur qoraalkiisa ku yiri.

Sidoo kale Aagaasimuhu qoraalkan waxa uu sheegay in xalay ay  madaxdu ku yeelatay Villa Somalia kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah, kaas oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay.