Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka UK

13

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ataa magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay, safiirk dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dawlada UK iyo taageerada dawlad goboleedyada , gaar ahaan maamul goboleedka Galmudug.

Safiirka ayaa uga mahadceliyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid kulankan uu maanta la qaatay, waxa uuna u balan qaaday in taageero buuxda ay ka heli doonto dawladda UK maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay hawlaha dardarta leh ee maamul Galmudug ay mudooyinka Galmudug ka qabteen dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, isagoo intii uu joogayna kulamo kala duwan la sameeyay musuuliyiin fara badan, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan.